Sign in to follow this  
Deeq A.

Qalad hab maamuuseed ku jirey soo dhoweyntii DF u samaysay Eriksen Søreide

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qaabkii loo soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide, oo maalintii Isniinta dalka booqasho ku timid.

Yuusuf Garaad ayaa soo bandhigay qalad hab maamuuseed oo uu sheegay inaysan meelna kaga jirin dhaqanka diblomaasiyadda caalamka.

Garaad ayaa sheegay inay gaf tahay in garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyan Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo afar Wasiir oo ay u saftaan soo dhoweynta hal Wasiir oo dalka soo booqatay.

Yuusuf Garaad ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan:

“Habmaamuuska dalka iyo kan caalamka waan baalmarnay ee ha la isdaba qabto oo ha la saxo hadda ka dib.

Meel ugama jirto dhaqanka diblomaasiyadda caalamka in Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo afar Wasiir ay u tagaan gegida dayaaradaha una saftaan dayaarad hoosteed si ay u soo dhoweeyaan hal Wasiir oo dalkeenna soo booqday.

Muhiimadda xiriirka labada dal siyaabo kale ayaa loo muujiyaa.

Ma ahan khaladka keliya ee aan aniga oo aan raadin ay saxaafaddu i soo hordhigtay.

Qof wax walba yaqaan ma jiro. Weydii wixii aanad aqoon.

Habamaamuuska Diblomaasiyaddu waa aqoon, khubaradiisuna waa ay joogtaa Wasaaradda qaabbilsan”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this