Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii ciidamada booliska degmada Xamar-weyne ee Muqdisho oo baxsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxay saacadihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu baxsaday Taliyihii Saldhigga degmada Xamar-weyne ee Booliiska Soomaaliya Axmed Khadar.

Taliyaha oo ku jira dad loo heesto dilal ka dhacay degmada Xamar-weyne ayaa la ogeyn ilaa hadda meel uu cirib dhigay, waxaana isa soo taraya wararka arintaan ku saabsan.

Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in muddo laga joogo 72 saac la’la’yahay Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne, waxaana la ogaaday in uu ka baxsaday magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wararka ugu badan ayaa sheegaya in uu u baxsaday dalka Kenya halka qaar kalane ay sheegayaa in uu baxsaday dalka Turkiga. Qaar kamid ah dadka aan la hadalnay ayaa sidoo kale sheegay in uu baxsaday Itoobiya.

Caasimada Online oo la hadashay xubno katirsan maamulka degmada Xamar weyne ayaa waxay noo xaqiijiyeen in ay xaqiiqo tahay baxsadka Taliyaha balse aysan xaqiijin karin halka uu u baxsaday.

Axmed Khadar oo la magacaabay 24-kii bishii March ee sanadkaan waxa uu kamid yahay Saraakiil iyo mas’uuliyiin loo heesto isku dhacyo bishii Ramadaan ka dhacay degmada Xamar-weyne oo ay ku dhinteen dad Shacab ah iyo askari ka tirsan militariga Soomaaliya.

Dhacdada ka dhacay Xamar-weyne oo meelo badan saameysay ayaa la sheegay in dadka darteed dalka uga cararay uu kamid yahay agaasimihii Hab-maamuuska Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor arintaasi guddi u magacaabay kuwaas oo soo baari doona sida ay wax u dhaceyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this