Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Faaruuq oo kusoo baxay doorashada hogaanka ugu sareeya ururka suxufiyiinta adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirweynaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee ka soconaya magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa galabta waxaa uu si aqlabiyad ah ugu doortay hogaanka ugu sareeya ururka suxufiyiinta adduunka Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Cumar Faaruuq ayaa helay 192 cod oo ka mid ah 216dii cod ee ay dhiibteen argada ka kala timid 187 dal oo caalamka dhan ah ayadoo uu ka guuleystay murashaxiin ka kala socday 17 dal.

Cumar Faaruuq oo ahaa musharaxa qaarada Afrika oo isla markaana tageero ka helaayay ergada ka kala socotay dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa sidoo kale waxaa taageero xoogan siinayay ergada ka socoto dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Spain, Ruushka, Koofurta Afrika, India iyo Brazil ayaga oo u arkayay Cumar Faaruuq in uu yahay qof wax badan ka qaban kara howlaha ururka suxufiyiinta adduunka ee IFJ horyaala.

Guusha Cumar Faaruuq oo muujineyso tageerada iyo hiilada suxufiyiinta adduunka ay u hayaan ururka NUSOJ iyo dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa hadana tilmaameyso in saameynta ay Soomaaliya ku yeelanayso saxaafada adduunka ay aad u xoogeysaneyso.

Shirweynaha IFJ ayaa sidoo kale waxaa uu maanta guddoomiye u doortay Younes Mjahed oo ah Xoghyaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Morocco. Younes ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee qaarada Afrika ka socda ee abid loo doortay guddoomiyenimada ururka suxufiyiinta adduunka tan iyo markii IFJ la aas-aasay ee sanadkii 1926.

Ururka NUSOJ waxaa shirweynaha IFJ kaga qeyb galaya sedax ergo kuwaasoo kala ah Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan, Qasnajiga NUSOJ Faarax Maxamed Yusuf (Faarax Lamaane) iyo Xoghayaha Abaabulka NUSOJ Cawil Maxamuud Cabdi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this