Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Duqa Muqdisho oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyey guri laga haystay 28 sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyey guri uu lahaa oo laga haystay muddo 28 sano ah.

Guddoomiyaha oo furaha gurigaas ku wareejiyey muwaadinkii lahaa ayaa ka digay cawaaqib xumada Aakhiro iyo adduunba sugaysa dadka sida sharci darrada ah u deggan hantida muwaadiniinta kale ee doonaya in dib loogu soo celiyo xaqooda.

“Cidna si sharci darro ah uma haysan karto muwaadin kale hantidiis, Maamulkan tan iyo markii aan nimid waxaan ku guuleysannay soo celinta hanti ay lahaayeen muwaadiniin, kuwaas oo dadkii haystay ay si mutadawicnimo ah usoo wareejiyeen, balse arrinta maanta waa ay ka duwan tahay oo maxkamad iyo xabsi ayeey gaartay.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in muwaadinkii gurigan sida sharci darrada ah u haystay oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska la horkeenayo Maxkamad, lana marsiin doono hannaanka sharci ee uu mudnaa.

Dhankiisa, Eng.Cali Maxamed Baare oo ahaa muwaadinka lahaa mulkiyadda guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen dib u soo celinta gurigiisa oo sanaddo badan ka maqnaa.

07A096FF-3F2E-4D2D-AFBC-2DA2F73BB36B.jpe E4220A70-E229-484B-8D4C-BE3F859084A5.jpe 35AFD5A8-38BC-494E-AD8D-6B826F438C20.jpe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this