Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Waa kuma ninka halista weyn ku noqday madaxweyne Xaaf ee uu ka dhaqaaqi waayay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa tan iyo markii la doortay waxa uu ka dhamaan wayay khilaaf iyo dagaal siyaasadeed oo u gaar ah maamulkiisa ama mid uu la qabo dhamaan maamulada kae.

Xaaf dagaalka uu ku jiro waa mid ka adag midka ay ku jiraan madaxda maamulada kale ee dalka waxa uuna maamulkiisa ku reebay raadad xun oo ay adag tahay sida looga soo kabto. Khilaafka ugu weyn waxa uu kala dhaxeeya DF Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xaaf waxa uu waayay ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka sanado ka hor kuwaas oo noqday qatarta ugu weyn ee Madaxweyne Xaaf maadaama aysan dowladda u soo weerari karin maamulkiisa balse ay u soo marto ragaan.

Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey uu yahay qatarta ugu weyn ee Xaaf. Waxyaabaha ay ogaatay Caasimada Online waxaa kamid ah in Carabeey uu ku guuleestay baajinta dhamaan heshiisyadii uu galay Madaxweyne Xaaf.

Heshiisyada la baajiyay ama socon waayay ee uu Madaxweyne Xaaf galay dhamaantood waxay ahaayeen kuwa dibadda ah oo ay la saxiixdeen hey’ado shisheeyo iyo dowlado kale.

Carabeey ayaa sidoo kale la sheegay in uu helo dhamaan xiriirka hey’adaha heshiiyada la gala Madaxweyne Xaaf kadibna uu baa’bi’iyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

Xaaf ayaa qaabilay warqado badan oo uga yimid hey’ado heshiis lala galay oo ka baxay kadib markii lagu wargeliyay in maamulkiisa uu khilaaf ka jiro, sidaas darteedna aysan ku dhiiran karin fulinta mashaariic horumarineed Galmudug oo aan mideesneen.

Madaxweyne Xaaf waxa uu abaabulay doorashada Guddoomiye Baarlamaan oo aan aheyn Cali Gacal Casir balse kuma dhiiran doorashada iyo xil ka qaadista Madaxweyne ku xigeenka waxaana sababta lagu sheegay in uu wali rajo ka qabo in laga joojiyo dabagalka uu ku haayo Carabeey.

Carabeey ayaa sidoo kale buriyay go’aano badan uu dowladda Soomaaliya ka qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this