Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:-Puntland oo soo saartay awaamiir culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa muddo kooban u qabatay in ay isku soo diiwaan galiyaan shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi.

Amarka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu wargaliyay dadka Ajnabiga ah in ay is diiwaan galiyaan ka hor 30-ka bisha June ee sanadkan 2019-ka.

Sidoo kale wasaaradaha ayaa intaasi ku dartay in ciddii u hoggaansami weyso amarkan laga qaadi doono tallaabo adag

“Cid alaala iyo cidii isku-diiwaangelin weysa waqtiga aan u qabanay ee Ajnabi ah wax shaqo ah kama qaban doonto deegaanada Puntland,waana amar dowlo oo sharci ah cidii ka dhega adeegtana kama yeelid oono oo tallaabo Sharci ah ayaan ka qaadeynaa ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha puntland.

Dhawaan ayey aheyd markii Puntland ay deegaanadeeda ka ceyrisay shaqaale Ajnabi ahaa oo loo jeediyay eedeymo kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this