Deeq A. Posted June 13, 2019 Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in maalintii labaad dibadbaxyo rabshada wata ay ka socdaan gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Banaanbaxyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa dhigaya shacab taageersan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusud Dabageed. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in inta badan uu hakad ku jiro dhaq dhaq dhaqaaqii ganacsi ee magaaladaasi. Dhinaca kale wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Wafdigan oo isugu jiro Xildhibaano iyo guddi loo saaray shaqaaqada ka taagan Baladweyne ayaa u kuur gali doono, sida ay xaaladda tahay. Tan iyo markii xilka qaadista lagu sameeyay Dabageed waxaa xiisad u dhexeysa isaga iyo HirShabelle ay ka taagneyd Hiiraan, waxaana dagaal dhexmaray labada dhinac ku dhintay taliyihii Boolsika gobolkaasi Gaashaanle dhexe Maxamed Macow. View the full article Share this post Link to post Share on other sites