Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Maraakiib Shidaal Oo Weeraray Gacanka Cumaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Dowladda Iiraan waxay sheegtay inay badbaadiyeen 44 Badmaaxiin la socotay Laba Markab shidaalka oo uu saaka qaraxyo ku qabsadeen Badda dalka Cummaan ee loo yaqaano Gulf of Oman.

The-Kokuka-Courageous.jpg

Guutadda 5-aad ee Ciiddanka Badda ee saldhigooda dhexe ku yaalla dalka Baxrayn waxay iyagana sheegteen inay gurmad u fidiyeen Labada Markab ee la weeraray, kadib markii ay ka heleen Qeylo-dhaan Gurmad-doon ah.

Sidoo kale, Dowladda Cumaan ayaa ka hadashay dhacdadaasi, waxayna sheegtay in ugu yaraan hal Markab oo nooca Shidaalka ahaa lagu weeraray xuduud-baddeedkeeda Gacanka Cummaan.
Ma kala cadda cidda sida rasmi ahaan u weerartay Maraakiibtaasi, iyadoo mid ka mid ah Maraakiibtaasi lagu sheegay in lagu magacaabo Front Altair, oo ay leedahay Shirkadda Fronrline ee dalka Norway.
Markabkaasi waxa uu ku safrayey Calanka Jesiiradaha The Marshall Islands.

Markabka kale ee lagu magacaabo Kokuka waxaa la sheegay inuu ka soo shiraacday dalka Sacuudiga, wuxuuna ku sii jeeday dalka Singapore

Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijinin ayaa sheegay in Maraakiibtaasi lala beegsaday miino nooca Bir Labta iyo nooc Gantaal loogu talagalay inuu badda hoosteeda ka dusa.

Qiimaha Shidaala ayaa la sheegay inuu sare u kacay 4.5%, markii la maqlay in maanta qaraxyo lala beegsaday 2 Markab oo waday Shidaal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this