Deeq A. Posted June 13, 2019 (SLT- North Carolina)-Nin saddex arday oo Muslimiin ah ku dilay meel u dhaw jaamacadda University of North Carolina sannadkii 2015 ayaa lagu xukumay xabsi cimri daa’in ah. Craig Hicks ayaa toogasho ku dilay Deah Baraka oo 23 jir ahaa iyo Yusor Mohammad oo 21 jir ahayd, dhallinyaradaas ayaana ahayd lamaane wax yar uun ka hor is guursaday. Wuxuu sidoo kale isla wakhtigaas magaalada Chapel Hill ee dalka Maraykanka ku dilay Razan Mohammad Abu-Salha oo ay walaalo ahaayeen gabadha kale taas oo 19 jirtay. Wuxuu qirtay saddex dambi oo ah dil heerka koobaad ah waxaana lagu xukumay cimrigaa ha ku furto. Hicks laguma helin dmabiyo nacayb la xiriira, inkastoo qoysaska dhallinyaradaas ay ku adkaysanayaan in loo bartilmaameedsaday diintooda darteed. Booliiska ayaa sheegay in dilkaasi uu ka dhashay muran ka billawday meel gawaarida la dhigto oo gurigooda ku hortaalla taariikhdu markay ahayd bishii Feebaraayo ee sannadkii 2015. Muuqaal aan horay oo la arag oo taleefan lagu duubay ayaa maxkamadda laga daaray, kaas oo laga arkay Hicks oo wajahaya albaabka guriga Barakat kuna eedaynaya in uu gaariga ka dhigtay booskii uu isagu lahaa. Muuqaalka ayaa sidoo kale laga arki karaa Barakat oo cod dagan kula hadlaya Hicks. balse Hicks ayaa rasaas furay ka dibna wuxuu toogtay labada gabdhood ee walaalaha ah. Arbacadii ayuu Hicks sheegay in tan iyo maalintii koobaad uu rabay in uu qirto dambigiisa. “Hadda ayayse dhacday arrintaas ka dib afar sano, afar bilood iyo labo maalmood markii laga soo wareegay.” ayuu yidhi sida ay ku warrantay warbaahinta CNN. Barakat ayaa sannadkii labaad dhakhtarnimo dhanka ilkaha ah ka baranayay jaamacadda UNC, xaaskiisa Yusor ayaa iyaduna markaas uun ku biirtay iyadoo dhakhtarnimo dhanka ilkaha ah billawday. Walaasheed Razan ayaa iyaduna naqshadaynta ka baranaysay jaamacadda North Carolina State University. Dilkan ayaa dhaliyay caro caalami ah, Barack Obama oo markaas madaxweyne ahaa ayaa dilka cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay “mid arxan darro ah oo aad looga caroodo”. Source Share this post Link to post Share on other sites