Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weeraro qaraxyo ah ka fuliyay gudaha dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan Al Shabaab kula eegteen ciidamada Kenya deegaano hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa qaraxyo la eegtay ciidamada dowladda Kenya oo ku sugnaa inta u dhaxeysa deegaanada Sedax goosa iyo Amuuma, oo hoostaga magaalada Gaarisa, waxaana la sheegay inay waxyeelo gaartay ciidamada Kenya.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka qaraxyada oo ahaa miinooyin dhulka lagu aasay ayaa sheegay inay gubeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka Kenya, islamarkaana uu jiro waxyeelo gaartay ciidamada Kenya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka waqooyi Bari oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaas, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Dowladda Kenya ay xirtay Xaduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Kenya ayaa maalma ka hor soo saartay digniin ku aadan inay jiri karaan weeraro Ururka Al-Shabaab ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, iyada oo sheegtay inay ka feejigan yihiin.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxayay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen dalka Kenya, islamarkaana ay doonayaan inay weeraro ka fuliyaan gudaha dalkaasi Kenya,
Caasimada Online
Xafiiska Gaarisa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this