Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii madax goboleedyada ee Nairobi oo fashilmay – Xog

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba fashilmay shir si wadajir ah oo toddobaadkan madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ku dhex mari lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xogo Caasimadda Online ay heshay ayaa sheegaya in baaqashada Shirkaasi kadib ay madaxda Galmudug iyo Jubbaland inay bilaabeen kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan dadka deegaanadaasi kasoo jeeda iyo qaar kamid ah wakiilada caalamka.

Si rasmi ah ilaa iyo hadda looma ogaan waxyaabaha keenay in shirkaasi uu baaqdo, balse waxaa soo baxaya in culeesyo soo kordhay ay keeneen inuu baaqdo kulanka la filayay inuu ka dhaco Nairobi.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo laga sugayay Nairobi uu shalay ka dagay magaalada Addis Ababa taasi oo qeyb ka noqotay dib u dhaca ku yimid shirka.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhankiisa ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa deg deg ugu laabtay magaalada Beledweyne, si uu isaga xaliyo culaasaadka kusoo kordhay, taasina waxay qeyb ka noqotay baaqashada shirka ka dhici lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan ayey dowlad Goboleedyada la lahaayeen Beesha Caalamka waxaana ay iclaamiyeen markii uu fashilmay shirkii lixda maalmood ka socdya Garowe una dhaxeeyay dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Madaxda maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ayaa hadda u muuqda kuwo isku mid ka ah dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, maadaama ay cadaadis kala duwan ay la kulmayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Weli si rasmi ah looma sheegin arrimaha qarsoon ee keenay in shirku fashilmo balse madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubaland oo sida la sheegayo aad u doonayay in shirka la qabto ayaa qorshahaasi u socon waayay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sida qorshuhu yahay maalinta Jimcaha dib ugu soo laaban doona caasimadda Puntland ee Garoowe.

Sidoo kale madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland ayaa la filayaa inay sii joogaan Nairobi ayagoo kulamo hoose oo gaar gaar ah la yeelan doonaan wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Shirka Nairobi ayaa la filayey in madax goboleedyada ay beesha caalamka ugu gudbiyaan dacwado ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, xilli khilaafka labada dhinac uu gaaray halkii ugu xumaa.

Lama yaqaan in shirkan waqti kale oo mustaqbalka dhow ah dib loo qaban doono iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this