Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’addan Caalamiga Ah Ee ILO Ma Puntland Ayay U Wareejinaysaa Mashaariicdii Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxtooyada Puntland Ee Qardho kulan kula qaatay Maamulaha Mashruuca JPLG Mr Mark, sidoo kalena ka tirsan Hay’ada ILO.

received_2535314696479339.jpeg

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Gudoomiyaha Degmada Qardho iyo Masuuliyiin kale.


ILO ayaa laga yaaba inay mashaariicdii Somaliland u wareejiso Puntland.

Dawladda Somaliland ayaa dhawaan eriday hay’addan caalamiga ah ee shaqaalaha Adduunka waxaanay ku eedaysay in xuquuqda Somaliland ay lunsadaan shakhsiyaad Soomaaliya u dhashay oo hay’adda ka shaqeeya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this