Deeq A. Posted June 12, 2019 Baardheere (SMN) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Wasiir Goodax Barre ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya wasiirada waxbarashada ee maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qeybaha kala duwan, maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo ayaa wafdigani ku soo dhaweeyay halkaasi. Ujeedka ay xubnahani u tageen Baardheere ayaa lagu sheegay in ay la xariirto Jaamacad cusub oo laga furayo gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana Ciidamo dheeraad ah la soo dhoobay qeybo ka mid magaalada Baardheere ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites