Deeq A. Posted June 12, 2019 Laascaanood (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexeeyay Ciidamada Somaliland iyo Jabhad hubeysan oo uu hoggaamiyo Korneyl Feysal Falaalug oo horay uga soo goostay maamulkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid, kadib markii Jabhadani ay weerartay fariisin Ciidanka S/land ay ku leeyihiin agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi. Khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaasi, walow aan la xaqiijin karin inta uu le’gyahay. Labada dhinac ayaa sidoo kale guulo ka sheegtay iska hor imaadkan oo socday muddo ka badan hal Saac. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa koonfur bari deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. View the full article Share this post Link to post Share on other sites