Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka AMISOM oo la wareegay amniga Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Xaaladda ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa haatan deggen, markii ay Ciidanka Amisom la wareegeen Gacan ku haynta goobaha ugu muhiimsan ee maamulka Gobolka Hiiraan iyo koontaroolka degaanka Kalabeyr oo ah halkii ay ka billaabatay shaqaaqadii Shalay ka dhacday halkaasi.

Goobaha ay la wareegeen Ciidanka nabad ilaalinta Amisom ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo daacad u ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ,Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Dhinaca kale, Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa haatan gaaray Magaalada Baladweyne, waxaana lagu wadaa in sidoo kale uu halkaasi tago guddi uu xaqiiqa raadin ah oo ka socda Wasaaradda amniga gudaha ee Dowladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this