Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xiriirka Mareykanka iyo ciidamadii Mukhtaar Roobow – Maxaa ka socda Abal?

Recommended Posts

Deeq A.   

Abal (Caasimada Online) – Degaanka Abal oo dhowr KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool waxaa ku sugan ku dhowaad 500 oo Askari, kuwaas oo ka tirsan Ciidamadii Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu- Mansuur oo laba sano ka hor isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadaan oo aad u qabalabeysan ayaa wali ku sugan furimihii dagaalka iyo Jiidda hore ee aagga dagaalka kuwaas uu sameeyay ku dhowaad 10 sano ka hor Sheekh Mukhtaar Roobow kadib markii uu la dagaalay Al-Shabaab.

Caasimada Online ayaa ogaatay in ciidamada Abuu Mansuur ay helaan taageero caalami ah oo dhan kasta ah, taas oo fududeestay in ay ku sii jiraan difaac adag xataa hadii la xiray Abuu Mansuur oo ahaa hogaamiyahoodii degaankaas ku abuuray.

Baaritaan dheer oo ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay ku ogaatay in ciidamada Sheekh Mukhtaar ay gacanta ku heyso dowladda Mareykanka islamarkaana ay bixiso wax kasta oo ku baxa.

Waxyaabaha ay sida joogtada ah u helaan ciidamada Abuu Mansuur waxaa kamid ah mushaar ku filan, qalab ciidan iyo garaam ku filan. Sidoo kale ciidamadaan ayaa laga caawiyaa dhinaca xogta iyo hadii ay dagaalo galaan.

Warar-ka ay heshay Caasimada Online ayaa waxaa qeyb ka ah in diyaaradaha Mareykanka iyo Taliska Africom ay amar ku qabaan in ay difaacaan weerar kasta oo ay Ciidamadaasi la kulmaan.

Ciidamada Abuu Mansuur isbaaro uma taalo, canshuur ama lacag kale dadweyne kama qaadaan xoolo malahan mana jirto meel ay ka soo gasho lacagta ay qaataan oo aan ka aheyn taageerada Mareykanka.

Hadda uguma horreyso in Mareykanka uu taageero Ciidamada Abuu Mansuur balse waxay Caasimada Online ogaatay sanadihii dambaba uu halkaasi ku caawin jiray Taliska Ciidmada Mareykanka ee Soomaaliya kuwaas oo loo soo gaabiyo Africom.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this