Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo DF ka caawinaya xasilinta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay xoojinayso howlgalkeeda ka dhanka ah Al-Shabaab si ay uga caawiso dowladda Federaalka xasilinta dalka Soomaaliya.

Warkan ayaa laga soo saarey kulanka ay shalay magaaladda Muqdisho ku yeesheen Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa Thomas Waldhauser oo wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

“Taageeradda amni ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya waa mid muhiim u ah dedaallada lagu caawinayo shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee lagu soo celinayo nabada iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri Donald Yamamoto.

Donald Yamamoto ayaa intaasi ku daray in amniga Soomaaliya uu muhiim u yahay xasiloonida gobolka Geeska Africa, iyo in shacabka Soomaaliyeed dhistaan mustaqbal wanaagsan.

Wadahadallada mas’uuliyiinta Mareykanka iyo dowladda Federaalka ayaa diirada lagu saarey horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in ciidamada amaanka Soomaaliya iyo xulufadooda ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab si loo abuuro jawi nabdoon.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this