Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Yaa Ka Hor Istaagay Safarkii Stockholm Ma Dawladda Soomaaliya Mase Ta Sweden??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Stockholm)-Dowladda Sweden ayaa war kasoo saartay warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhex marayay oo ku aadan inay dowladda Sweden u diiday madaxweyne Biixi inuu safar ku tago magaalada Stockholm.

Madaxweyne-Muuse-Biixi.png

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka madaxweyne Biixi ku tagi lahaa Caasimada Sweden ay la xidhiidhay ka qeyb galka dood ku saabsaneyd sida Somaliland ay ku heshay nabadda iyada oo ku taalla gobol colaado badan ay ka jiraan.

Sida wararka aan ku heleyno warqad loo soo diray Muuse Biixi oo uu shirka uga qeygali lahaa ayaa waxaa ku qorneyd in uu khudbad ka jeedin lahaa kana hadli lahaa mowduucaas.

Hayeeshee markii ay warqaddaasi soo baxday ayaa la xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay la xidhiidhay Safaaradda Sweden ee Nairobi iyo Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

Labada dhinac ayaa hadda beeniyay inay ka warhayeen socdaalka madaxweyne Biixi ku tagi lahaa Stockholm, waxaana hadda baaqday safarka Muuse Biixi Cabdi ee magaaladaasi.

Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi waxaa abaabulayay dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku nool dalkaas iyo xildhibaan ka mid ah Guddiga saaxiibada Baarlamaannada Somaliland iyo Sweden oo lagu magacaabo Magnus Oscarson.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan kulankaas waxaana baaqday safarkii uu Muuse Biixi uga qeybgeli lahaa iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin in baajinta safarkaas ay dalbatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this