Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo guddi u saartay shaqaaqadii Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beleweyne (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Siciid Muuse oo shir jaraa’iid u qabtay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay dagaalka shalay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugu horreyn Cabdinaasir ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow oo ahaa taliyihii qeybta Booliska gobolka oo ku dhintay dagaalkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in XFS ay guddi u xilsaartay dhacdadaasi, islamarkaana ay soo xaqiijin doonaan, sida ay wax u dhaceen.

Dhinaca kale waxaa xusay in baaritaanka kadib ay tallaabo qaadi doonto wasaaradda amniga dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay gelinkii dambe Ciidamo ka taabacsanaa guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo kuwa mamulka HirShabelle ay ku dagaalameen deegaanka Kala-bayr ee gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this