Deeq A. Posted June 12, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo loo yaqaan (Goobe) ayaa ka warbixiyay dhismaha xarun Warshadeed oo soo saareyso dharka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Bashiir Goobe ayaa sheegay in Warshadan oo uu dhagax dhigay R/wasaare Khayre ay soo saari doonto dharka ciidanka oo leh tixraac fududaynaya in askari kasta uu helo labis u gaar ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Warshadan Soomaaliya ay ugu deeqday dowladda Turkiga, islamarkaana la howl galin doono horraanta sannadka 2020-ka. DFS ayaa dhismaha Warshadan kaga maarmeysa in dharka Ciidamada laga keeno dalka Dibaddiisa iyo sidoo kale in ay isticmaalaan shaqsiyaad aan qayb ka ahayn ciidanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites