Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaasha dhaqanka oo ku baaqay in la taageero dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Afhaayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye ayaa sheegay in la shaqeynta shacabka hay’adaha amniga ay fududeyn karto in la helo nabad galyo iyo xasilooni waarta.

Nabadoonka ayaa ka codsaday in dowlad iyo shacab la’iska kaashado xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya in la helo Maqaamka Siyaadadeed ee magaalada Muqdisho, maadaama shacabka ku dhaqanka Caasimadda tiro ahaan ay ka badan yihiin saddex Milyan.

Muqdisho ayaa hadda wax matalaad ah aan ku laheyn nidaamka federaalka dalka, hayeeshii waxaa socdo qorshe lagu doonayo in lagu helo maqaamka Caasimadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this