Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Maxay Ka Tiri Dagaalkii Kalabeyr?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan, kaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Dagaalkan waxaa ku dhintay taliyahii qeybta Booliiska ee gobolka Hiiraan, Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow Xalane.

C/naasir Saciid Muuse, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga DFS ayaa sheegay iney ka xun yihiin geerida taliyaha, sidoo kalena ay guddi u saareen arrinta dagaalka.

Wuxuu tilmaamay wasiir ku xigeenka in sidoo kale loo baahan yahay dejinta xaaladda oo aan xaalado kale oo dadka dhib u keeni kara la abuurin.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/cod1-wasarada-amniga-.mp3

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this