Sign in to follow this  
Deeq A.

Jawaab ku socota fariintii uu Yuusuf Garaad u diray madax goboleedyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Fariintaada waxaa ka muuqatey damqasho, dowlad Jaceyl iyo u naxid aad u naxeyso shacabka Soomaliyeed waadna ku mahadsantahay, balse dhanka kale markii laga eego, waxaa ka muuqatey marnaan (naïvity), xikmad xumo(lack of wisdom), doqonimo raagtey (absurdity) iyo u hiloobid aad u hilowdey xadgudubyadii dowladu kugu sameysay ( Victim of Stockholm syndrome ).

Waxan saas u leeyahay ma aha in aan rabo in aan kuu gafo adiga, balse waxaan ka cabsaday dadka faraha badan ee ku taxan maqaaladaada xiisaha badan ee ay ka muuqato aqoon qoraanimo ee hufan iyo mid sheeko yaqanimaba in ay qaataan fikirkaa aad soo gudbisey oon u arko mid qatar ku ah yagleelka dowlad Soomaaliyeed oo hana qaada, maxaa yeelay xukuumada maanta jirta waa mid ku socota dariiqii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad, mana aha mid wadahadal iyo isku tanaasul ogol. Hadaba, ma muuqato si ay dowlad goboleedyadu kula heshiin karaan dowlada federalka oo aan ahayn in ay isku dhiibaan aqbalaana in Soomaaliya ku noqoto xukun kaligii talisnimo oo leh dowlad dhexe oo kaliya. Madaxda Maamul goboledyadu waxaan filayaa in ay aad kaaga fikir duwan yihiin leeyihiina go’aan qaadasho sare iyo xirfad hogaamineed, waxaanan filayaa marka laga tago afgobaadsiga iyo hadalada siyaasadeed in ay ka quusteen heshiin lala galo Farmaajo iyo Kheyre.

1 – Bal dib u milicso sidii qaabka dareyd ee dowladnimada ka fogeyd ee xilka lagaaga qaaday.

2 – Sidii Wasiirkii hore ee arimaha dibada Juxa xilka looga qaaday

3 – Sidii loo weeraray C/Cashakuur loona laayey dhalinyaradii iyo jawaabtii xukuumada ka bixisay arinkaa.

4 – Sidii Jawaari loo qoor qabtay

5 – Sidii Shariif Xasan xilka looga qaaday

6 – Sidii Qalbi dhagax loo dhiibey

7 – Sida Madaxweyne Xaaf loola dhaqmo

8 – Sida Heshiisyada Caalamigaa loo maareeyo iyadoo la baalmarayo dastuurka

9 -…..

Fariinteydu waa: Xukuumadan oo is bedel laga sugaa waa mid aan loo fadhin ee waa in aan anagu badalnaa fakarkeena ogaanaana waxa kaliya ee Farmaajo/Kheyre fahmaan in ay tahay iska dhicin mid siyaasadeed iyo mid ciidanba hadii loo baahdo.

W/Q: Ahmed Abdullahi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this