Deeq A. Posted June 11, 2019 Luanda (SMN) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola uga qayb galaya shirkii 5-aad Golaha Sare ee Garsoorka Afrika oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay. Madaxwaynaha Jamhuuriyada Angola, H.E Joã Manuel Gonçalves Lourenceç, ayaa furay shirkaan oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin ka socota garsoorka wadamada qaaradda Afrika. Shirka oo shalay furmay maantana soo xirmaya ayaa looga hadlay dhawrista dastuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee Aadamaha iyo kaalinta Garsoorka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites