Deeq A. Posted June 11, 2019 Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada deegaano hoostaga gobolka Bari ee maamulkaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemaya deegaano dhaca dhulka Buuraleyda ee gobolkaasi. Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegay in ay gaareen deegaano la tuhunsanaa in ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al Shabaab. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal uu qarxo halkaasi. Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Al Shabaab ay la wareegeen deegaanka Af Urur ee gobolka Bari, kadib markii ay isaga baxeen Ciidanka maamulka Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites