Sign in to follow this  
Deeq A.

Su’aalo Ka Dhashay Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Ku Timid Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Iyadoo shalay ay safar gaaban ku timid magaalada Muqdisho dalka Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway Ine Marie Eriksen Søreide ayaa waxaa durba soo if baxaya su’aalo ku saabsan safarkeeda.

bebeab88-7edd-4350-85ee-3683a905fcb6

Mudadii ay ku sugneyd magaalada Muqdisho waxaa ay kulamo la qaadatay Madaxda dowladda Soomaaliya, sida Ra’iisul Wasaare Kheyre, kuxigeenkiisa iyo Wasiirro.

Inkastoo aan la soo bandhigin qodobada dhab ah ee ay isla soo qaadeen, hadana qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inay wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo mashaariicyo ay Norway ka fulineyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ay qeyb ka tahay ajandayaasha lagaga hadlayo Madasha Oslo Forum ee toddobaadka soo socda furmaya.

Mrs Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ka hor inta ayna Muqdisho soo gaadhin waxay soo martay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay kula kulantay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma.

Haweeneydan ayaa diyaaradda shalay keentay Muqdisho waxay aheyd diyaaradda 540 oo laga leeyahay dalka Kenya.

Waxaa soo baxaya shaki ku saabsan in safarkeeda uu qeyb ka ahaa arrinta xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan muranka dhinaca Badda oo qeyb ahaan Norway ku lug leedahay, maadaama Shirkad laga leeyahay dalkeeda ay sahmin ku sameysay dhulka badda ee ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale waxay muddo ku riixeysay Kenya dhulka badda ee la rumeysan yahay in Shidaal ku jiro.

Norway ayaa u muuqata mid xilligan ciyaareysa door ka weyn kii ay hore ugu laheyd Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la sheegay inay in muddo ah isha ku heysay arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this