Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajaaniib ku eedeysan Musuq maasuq oo laga ceyriyay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa amar kasoo saaray labo sargaal oo ajaaniib ah, kuwaasi oo la shaqeynayay hay’ado ka howlgalo deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Saraakiisha ayaa la shaqeynayay hay’addo caalami ah, waxaana lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin, walow maamulka Puntland uusan cadeyn nooca musuq maasuq ee ay galaan labada sargaal.

Labada ruux ayaa magacyadooda lagu kaa sheegay NEPOLEON PHIRI iyo NELSON oo ka tirsanaa Hay’adaha World Vision iyo Releif International, oo ka howlgala deegaanada Puntland.

NAPOLEON PHIRI wuxuu ahaa madax hawlgalada ahna Madaxa xafiiska Puntland  ee hay’adda World Vision Internationa iyo NELSON oo ahaa kuxigeenka madaxa hawlgalada ee hay’adda Relief International.

NAPOLEON PHIRI ayaa lagu eedeeyay in uu ku kacay falal musuq maasuq ah sidoo kale ku xad gudbay nidaamka shaqaaleysiinta.

NELSON oo isna katirsanaa Hay’ada Relief International  ayaa lagu eedeeyay in uu iska indho tiray shuruucda wadanka sida Ruqsadda ogolaanshiyaha shaqo ee dalka iyo Dal-ku-jooga.

Waa Saraakiishii ugu horeysay ee Ajaanib ah una Shaqeeya Hay’ado Caalami ah oo ay Puntland deegaanadeed ka ceyriso tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this