Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Pakistan Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Booliiska dalka Pakistan ayaa Isniintii shalay xabsiga dhigay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Asif Ali Zardari oo dalkaasi kasoo talinayey intii u dhaxeysay 2008 illaa 2013.

Pakistan-Xariga-Zardari-740x416.jpg

Mr.Zardari oo ahaa sayga Raysalwasaarihii hore ee la dilay Mrs. Benazir Bhutto ayaa hada weli hogaamiya xisbigeedii PPP, waxayna taageerayaashiisa sheegeen in kiiskan uu yahay mid siyaasadeysan.

Hase yeeshee Zardari ayey hore shacabka dalkaasi u aaminsanayeen inuu hanti badan dhacay iyadoo dalkaasi looga yaqaan (Mr. Ten Percent) oo micnaheedu tahay inuu lacag u dhiganta 10% ka qaadan jiray dhamaan mashaariicda waaweyn ee dalkaasi ka socotay intii isaga iyo xaaskiisa ay xilka hayeen.

Maxkamadda dalkaasi ayaa Isniintii shalay diiday in damiin lagu siidaayo Madaxweynaha inta dhageysiga dacwada socoto waxaa isla shalay la dhigay xabsiga, waxaana sidoo kale baaritaan ku socdaa Walaashiis oo iyaduna la sheegay inay qeyb ka ahayd kiiska loo heysto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this