Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Yariisow oo guddoomiyay shir looga hadlay amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa xalay guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Caasimadda.

Shirka oo lagu qabtay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha dhanka laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga iyo qiimeyn lagu sameeyay,howlgallada ka socda magaalada Muqdisho.

Duqa Muqisho oo ka hadlay madasha sayaa sheegay in muddo maamulkiisu  dabagal waday, islamarkaana dib u eegis lagu sameynayo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda.

“Shirka Amniga Caasimadda ayaan ku qiimeynay xaalada Guud ka dib kormeer iyo dabagal joogta ah oo aan wadnay muddo, isla markaasna go’aaminey dib u eegis in lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimada”ayuu yiri Eng, Yariisow.

Muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay amniga gobolka Banaadir, waxaana howlgallo ka wada Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

44 11 22 33

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this