Sign in to follow this  
Deeq A.

Tariikh Nololeedkii Maxamed Abokor Xaaji Faarax

Recommended Posts

Deeq A.   

image-300x147.jpg

Maxamed Abokor Xaaji Faarax wuxuu ku dhashay magaaladda Burco, 1929. Allah Ha U Naxariistee aabihii iyo hooyaddii, Xaaji Abokor Xaaji Faarax iyo Kaaha Haashi waxay ka mid ahaayeen shaqsiyaadkii rukunadda u ahaa magaaladda Burco.

Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax markuu dhamaystay malcaamada Quraanka wuxuu ku biiray ardiydii ugu horeysay ee uu macallin u noqdo, AUN Maxamuud Axmed Cali.

Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu ka dib waxbarasho u tagay Cadan iyo dalka Ingiriiska.

Waxbarasho ka dib marxuumku wuxuu ka mid noqday tebayayaashii ugu horreeyey ee laanta af-Soomaaliga ee BBC World Service.

Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu dalka ku soo noqday markii xorriyaadii laga qataay isticmaarkii Ingiriisiga , wakhtigaa oo uu ku biiray wasaaradda Arrimaha Gudaha, halkaas uu ka gaadhay badhaasabka Gobolka Sanaag.

Marxuumku oo tababarkiisu ahaa saxaafinimadda wuxuu ku wareegay wasaaradda Warfaafinta ee dalkii lo odhan Jamhuuriyadda Soomaaliya, halkaas oo uu ka soo qabtay xilal kale duwan.

Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu muddo ka dib ku biiray wasaaradda Arrimaha Dibedda, halkaas oo uu ka soo shaqeeyey dalalka Ingiriiska iyo Nigeria.

Intii aanu hawl-gab noqon, wuxuu marxuumku, in muddo dheer ah, ka shaqeynayey dalka Cimaraadka.

Allah Ha u Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu ifka kaga tagay shan carruur ah iyo ubadkay sii dhaleen.

Cali Maxamed

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this