Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo La Ganaaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Minnesota)-Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalaha ololihii doorashadii Mareykanka u adeegsatay si gaar ah.

Guddiga maamula dhaqaalaha ee Minnesota ayaa sheegay inay jebisay xeerka gobolka, waxayna saareen ganaax lacageed.

AACvo5j.jpg

Guddiga ayaa sheegay in Ilhaan ay isticmaashay lacag gaadheysa $3,500 oo dollar oo ay ku bixisay safar ay ku tagtay Florida iyo qeyb ay ku bixisay canshuur celintii ay sameysay.

Waxay guddiga sheegayaan in ay heleen cadeyn ah in Ilhaan Cumar kooxdii ololaha u qaabilsanayd ay u iibiyeen tikit diyaarad oo Boston ay ku tagtay, “halkaas oo ay uga qeybgashay kullan siyaasadeed”.

Sidoo kale, qeyb waxaa “lagu bixiyay hoteel ay ka degtay Washington D.C” oo ay uga qeybgashay wareysiga shirka UN ee Girl UP.

Sida uu ku warramay raadiyaha Shacabka ee Minnesota, Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale lagu helay in lacagta ay u adeegsatay safarkeedii Chicago, si ay u aqbasho abaalmarin la siiyay iyo dhaqaale uruurin ay sameysay.

Sida uu qabo sharciga Gobolka, “safarrada waa in ay noqdaan kuwo la xiriira arrimaha xafiiska”. Sida guddiga uu sheegay, Ilhaan Cumar, waxay ahayd wakiilka Gobolka markii “xeerka lagu xudgudbay.”

Sidoo kale, waxaan Ilhaan lagu helay in $1,500 oo dollar, lagu bixiyay arrimo la xiriiray sixidda cashuur celinteeda, taas oo aan la xidhiidhin ololihii doorashada. Waxayna dalbadeen in la soo celiyo. Waxaana la saaray ganaax gaadhaya $500 oo dollar.

Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed.

Qoraal ka soo baxay kooxdeedii ololaha waxay ku sheegeen in ay “ku faraxsan tahay in baaritaankan uu dhammaaday” ayna ka go’an tahay in ay u hoggaansanto guddiga waxa uu soo saaray.

Hadallada Ilhaan Cumar ee dhibaatada u soo jiiday
Bilo ka hor markii lagu dhawaaqay in Ilhan Cumar ay ku guuleysatay doorashadii Maraykanka, oo ay xubin ka noqoto aqalka Kongres-ka Maraykanka, waxaa xigay dabbaaldegyo waaweyn, maxaa yeelay waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow oo Muslim ah oo heerkasi gaarto.

Haatan xaalkeeda sidii hore waa uu ka duwan yahay, oo waxay maalin walba heshaa farriin cagajugleyn. Tan iyo markii la dhaariyay, Ilhaan waxaa ka soo yeeray dhowr hadal, oo Maraykanka ka abuuray duufaan siiyasadeed.

Donald Trump, oo ololahiisu ku dhisan yahay soogalooti-nacaybka, ayaa si weyn uga fa’deystay hadallada Ilhaan Cumar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this