Sign in to follow this  
Deeq A.

“Laguma Dhaqmo Dhaartii Iyo Kitaabkii Gacanta La Saaray..” Madasha Wada-Tashiga Oo Mar Kale Dhalliilay Xukuumadda Iyo Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xubno ka mid ah Guddiga Madasha Wadatashiga Somaliland oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in laga baydhay ku dhaqankii Dastuurka isla-markaana dhaartii ay Illaahay u dhaarteen Masuuliyiinta Dawladdu aanay ku dhaqmin.

Madasha-Wada-tashiga-1.jpg

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud iyo Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi iyo Xubno dhallinyaro ah oo Guddigaasi ka mid ah ayaa soo jeediyey in sharciga la ilaaliyo oo Ilaahay lagaga yaabo dhaartii.

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Madaxdeena marka xil loo dhiibayo mid walba waxa lagu dhaariyaa (Kitaabka), waynu ognahay culayska dhaartana, markaa Madaxdeenu ha gartaan Culayska dhaarta..”

Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi ayaa isaguna yidhi “Innaga waxay noqotay in inta la dhaarto oo Kitaabkii Gacanta la saaro oo Dhaartii Dastuurka loo laqimo, in Maalin walba haddana Dastuurka la jabiyo oo lagu tumanayo oo inamadii ku dhaartay ku tumanayaan oo aan loo hoggaansamayn, taasina waxay tilmaamaysaa inaynu ka been sheegnay dhaqankii iyo Dawladnimadii wanaagsanayd ee aynu doonayney..”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this