Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirka arrimaha dibadda Norway oo maanta booqasho ku timid Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabduule kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide, oo maanta booqasho ku timid dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa soo dhawaynta kadib, waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre.

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Ine Marie Eriksen Søreide oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay, ayaa ammaantay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay, isbedellada iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka waddo hay’adaha dowladda si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran.

Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, barnaamijyada horumarinta iyi bini’aadninimada.

Nabad-iyo-nolol.jpg 0S9A9390.jpg 0S9A9358.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this