Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo la gaarsiiyey guul-darrooyin culus lagana saaray deegaanno badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online ) – Ciidamo Milatariga Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay gobolka Gedo ayaa la wareegay deegaano badan oo hoos yimaada degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Dhamme Cali Maxamed Xasan Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray Tuulooyinka Bakal, Mataanaha iyo Buurweyn oo ka tirsan gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaanku ay soo dhaweeyeen marka ay tageen Tuulooyinkaasi oo ku yaalla Webiga labadiisa geddi.

Warar qaar ayaa sheegay in iska hor imaadyo kooban labada dhinac ay ku dhex mareen halkaasi, inkastoo aan la cadeyn karin khaaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee koonfurta Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Garbahaarey
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this