Deeq A. Posted June 10, 2019 Geneva (SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah u furmay shirka shaqaalaha Adduunka oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Geneva ee dalka Siswitzerland. Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ILO. Hay’adan oo 108 sano jirsatay ayaa ka mid ah hay’adaha ugu faca weyn ee Qaramada Midoobay. Shirka Geneva ayaa waxaa ka qeyb galaya shaqaalaha ururada bulshada rayidka ah, hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda shaqaalaha iyo maas’uuliyiin kale oo ka kala yimid dalalka caalamka. Ujeedka shirka ayaa ah mid diirada lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa, loogana shaqeyn lahaa xuquuqda shaqaalaha rayidka ee ku dhaqan caalamka. Sanad walba maanta oo kale ayaa la qabtaa shirkan, waxaana lagu taageeraa shaqaalaha weynaha aduunka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites