Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha shaqaalaha aduunka oo ka furmay Siswitzerland

Recommended Posts

Deeq A.   

Geneva  (SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah u furmay shirka shaqaalaha Adduunka oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Geneva ee dalka Siswitzerland.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha aduunka ee  magaceeda loo soo gaabiyo ILO.

Hay’adan oo 108 sano  jirsatay ayaa ka mid ah hay’adaha ugu faca weyn ee Qaramada Midoobay.

Shirka Geneva ayaa waxaa ka qeyb galaya shaqaalaha ururada bulshada rayidka ah, hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda shaqaalaha iyo maas’uuliyiin kale oo ka kala yimid dalalka caalamka.

Ujeedka shirka ayaa ah mid diirada lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa, loogana shaqeyn lahaa xuquuqda shaqaalaha rayidka ee ku dhaqan caalamka.

Sanad walba maanta oo kale ayaa la qabtaa shirkan, waxaana lagu taageeraa shaqaalaha weynaha aduunka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this