Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbax Ka Dhan Ah Madaxweynaha Hirshabelle Oo Ka Socda B/weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, laguna taageerayo Yuusuf Dabageed oo dhowaan laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dadka ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin Hal ku dhigyo ku aaddan dibadbaxyadooda, iyaga oo sheegaya in masiirkii Hirshabelle la dhumiyey.

Dibadbaxayaasha ayaa waddooyinka qaar ee B/weyne waxay ku jaren dhagxaan, iyadoo meelaha qaar uu joogsaday isku socodka gaadiidka magaaladaasi.

Dadka ayaa sidoo kale diiddan xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyey Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this