Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in dowladda Iran Maraakiib dagaal soo gelisay dalka Djibouti ?

Recommended Posts

Deeq A.   
Djibouti-962019-001.jpg?w=1000&ssl=1safiirka Djibouti Ziauddin Said Bamhermeh

Safiirka dalka Djibouti u fadhiya  magaalada Riyadh ee caasimadda Saudi Arabia oo lagu magacaabo Ziauddin Said Bamhermeh ayaa beeniyay warar ay saxaafaddu qortay oo sheegaya in maraakiib dagaal oo laga leeyahay Iran ay ku soo xirteen dekedda magaalada jibouti.

Mr Bamhermeh oo wareysi gaar ah siinayay wargeeska Middle East ee ka soo baxa dalka Masar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in maraakiib dagaal oo Iran leedahay ay ku soo xirteen dekedda magaalada jibouti ee caasimadda waddanka Djibouti.

Safiirka ayaa sheegay in xitaa aysan jirin maraakiib dagaal ay Iran leedahay oo soo galay biyaha waddankiisa (the territorial waters of the Republic of Djibouti) islamarkaana aan wax xiriir ah ka dhexayn Djibouti iyo Iran.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wararkaasi la faafiyay ujeedkoodu yahay in lagu curyaamiyo Isbahaysiga Carabta ee ka horjeeda dowladda Iran oo dalkiisu xubin ka yahay

.Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu caddeeyay in dowladdiisu ay hore xiriirkii deblomaasiyadeed u jartay waddanka Iran kadib markii ay fara-gelin ka dayn wayday arrimaha gudaha dalalka Carbeed.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka jira in dowladda Iran Maraakiib dagaal soo gelisay dalka Djibouti ? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this