Sign in to follow this  
Deeq A.

Safarka madaxweyne ku xigeenka Puntland ee Boosaaso oo seddex ujeedo Xambaarsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Puntland Axmed Karaash ayaa safar deg deg ah ku tagay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Safarka oo xili habeen ahaa ayaanan horey loosii shaacin, waxaana uu xalay gaaray magaalada Boosaaso isaga oo sii maray deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bari.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in safarka Axmed Karaash ee Boosaaso uu ku saleysan yahay seddex ujeedo, waxaana uu muddo kooban joogi doonaa magaalada Boosaaso.

Isaga oo saxaafada la hadlayay xalay ayuu sheegy in safarkiisa uu yahay mid shaqo, islamarkaana muddo kooban ay ku sugnaan doonaan magaalada Boosaaso, kadibna ay ku laaban doonaan magaalada Garowe.

“Waxaan halkaan u nimid safar gaaban oo Shaqo, oo ku beegmay goor habeen ah, waxaana soo maray degmooyin kale, ujeedada waxay tahay inaan waqti yar joogi doonaa, halkaan”ayuu yiri Axmed Karaash.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedada koowaad ee safarkiisa tahay wax ka badalida laamaha amaanka magaalada Boosaaso, si loo adkeeyo amaanka magaalada Boosaaso, oo maalmihii ugu dambeeyay xaalado amni daro ay ka dhacayeen.

Ujeedada labaad ee safarkiisa ayaa ah arinta kasoo cusboonaatay deegaanka Af Urur oo Al Shabaab ay la wareegeen, kadib markii ay kasoo baxeen ciidamada Daraawiishta Puntland, waxaana deegaankaasi uu 90 KM u jiraa magaalada Boosaaso.

Arinta seddexaad ayaa ah inuu kulamo deg deg ah halkaasi kula qaato wasiirka amniga Puntland C/samad Maxamed Galan iyo taliyaha ciidamada Booliska Puntland oo maalmahaan xiisad ay kala dhaxeysay madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Shirar gaar gaar ah ayaa ka socdo xarunta gobolka oo ku taala magaalada Boosaaso, waxaana kulamada ugu badan wada qaatay  saraakiisha amaanka, wasiirka amniga iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Magaalada Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland waxaa ka socdo abaabulka ciidamada Puntland si ay dib ugu qabsadaan deegaanka Af Urur oo si nabad  galyo ah kula wareegeen ururka Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this