Deeq A. Posted June 10, 2019 Muqdisho (SMN)-Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira. Guddoomiyaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Al Shabaab. “Waxaan qiraya in ciidanka AMISOM ay dadaal ku bixinayaan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan dalka iyo sidii Al Shabaab looga guuleysan lahaa, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinku garab istaago shaqooyinka adag ee aad heysaan” ayuu yiri guddoomiye Mursal. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites