Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii gobolka Mudug oo ka horyimid xil ka qaadis lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Gudoomiyihii maamulka gobolka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka horyimid xil ka qaadis uu ka sameeyay madaxaweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Cartan oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in waxtashi ah aan laga lagala sameyn xilka qaadista lagu sameeyay, waxaana uu ku tilmaamay in ay tahay mid sharci darro ah.

Sidoo kale waxa tilmaamay in kulamo wada tashi ah uu la qaatay waxgradka gobolka, islamarkaana ay isla garteen in uu xilka sii hayo.

‘’Markii aan la tashi la sameeyay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaan isla garannay in xiligan aysan jiri karin wax xil ka qaadis ah’’ ayuu yiri Cartan.

Maalin ka hor ayey aheyd markii wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug xil kii looga qaaday C/rashiid Xaashi Cartan, waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdiraxhaam Cali Diiriye (Isxal) sida lagu shaaciyay wareegtadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this