Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo sheegtay qarax ka dhacay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyne (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax ka dhacay agagaarka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxa ay Al Shabaab sheegeen in ay la egteen Booyado ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay in qaraxaasi ay waxyeelo ku gaarsiiyeen Askar ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this