Deeq A. Posted June 10, 2019 Wanlaweyne (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax ka dhacay agagaarka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxa ay Al Shabaab sheegeen in ay la egteen Booyado ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay in qaraxaasi ay waxyeelo ku gaarsiiyeen Askar ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites