Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Beledweyne oo qarka u saaran dagaal iyo Yuusuf Dabageed oo meel uusan fileyn taageero ka helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisad dagaal oo aad xoogan ayaa ka taagan inta badan xaafadaha magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan taas oo u dhaxeysa ciidamo ka amar qaata Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” iyo ciidamo kale oo ka amar qaata Maxamed Cabdi Waare.

Inta badan xiisadda dagaalka ayaa waxay ka taagan tahay kastamka Canshuuraha, xarunta gobalka iyo kontaroolada laga soo galo magaalada Beladweyne oo dhamaantood ay ku sugan yihiin ciidamada Yuusuf Dabageed.

Kulan uu la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayey ku heshiiyeen in uu iska difaaco weerar kasta oo kaga yimaada HirShabeelle iyagoo u ballan qaaday taageero dhan walba ah. Taageerada odayaasha ayaa la sheegay inay lama filaan ku noqotay Dabageed, kuna dhiiri-gelisay inuusan is-dhiibin.

Arintaasi ayaa abuurtay walaac xoogan oo ka bilaawday guud ahaan magaalada Beladweyne. Warar kale oo ay heshya Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in ay dhanka HirShabeelle ay u diyaar garoobeyn in ay xoog ku qasbadaan dhamaan xarumaha muhiimka ah ee Beladweyne.

Madaxweyne Waare iyo Cali Guudlaawe ayaa amray ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Beladweyne in ay soo qabtaan Yuusuf Dabageed. Dabageed ayaa shalay si cad u sheegay in warbixintaasi uu helay islamarkaana uu diyaar u yahay is difaac weerar kasta oo uga yimaada dhanka Hirshabeelle.

Hadda magaalada Beladweyne waa dagaal u joog waana fududahay in lagu dagaalamo daqiiqad kasta. Yuusuf Dabageed waxa uu heestaa ciidamo aad u qalabeysan iyo gaadiid dagaal, halka HirShabeelle oo heysata ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ay doonayaan in ay magaalada ka saaraan Dabageed ilihii dhaqaalaha iyo xaruntii gobalka ka daggan.

Ma jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku aadan qaboojinta xiisadda ka taagan gobalka Hiiraan. Hadii dagaal ka dhaco Beladweyne waa halis geli doonto nolasha kumanaan shacab oo hadda la daala dhacaya daruufo nolaleed oo aad u dag.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this