Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Shaameey oo si adag kaga jawaabay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Wasiirka isgaarsiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa markale baahisay in Cali Ibraahim Shaameey oo dhawaan xilka laga qaaday inuu jawaab adag ka bixiyay qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Cali Ibraahim ayaa sheegay inuu arkay qoraalka kasoo baxay wasiirka xafiiskiisa, wuxuuna sheegay in gabi ahaanba aysan aheyn mid sax ah, xil ka qaadista lagu sameeyay, maadaama uu kamid yahay guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta Qaranka.

“Waxaan si buuxda u aqristay ugana baaraan dagay warqadaadii aad soo qortay, waxaan fursad u helay inaan si degan uga baaraan dago, waxaan fursad u helay inaan kala tashado sharci yaqaano kala duwan”

“Haddana wasiir waxay warqadaan ka dhigeysaa go’aanka aad qaadatay mid Sharci daro ah, marka loo eego sharciga guddiga isgaarsiinta qaranka oo soo baxay 2017 iyo dastuurka KMG ah”

“Waxaan arintaan u bandhigayaa xubnahaa guddiga, waxaana horgeyn donaa maxkamadda, maadaama si qaldan loo adeegsaday sharciga guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta”ayaa lagu yiri qoraalka uu ku jawaabay Cali Ibraahim.

Cali Shaameey, ayaa la sheegayaa inuusan kamid aheyn shaqaalaha rayidka, sababtoo ah hadduu kamid yahay shaqaalaha rayidka kama mid noqon karo xisbi siyaasadeed sida xeerka guddiga shaqaalaha rayidka uu dhigayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this