Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Iska Diiday Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey, Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

C/rashiid Xaashi Cartan, guddoomiyahii gobolka Mudug ee xilka looga qaaday wareegtadii kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa iska diiday xil ka qaadistaasi lagu sameeyey.

Cartan ayaa sheegay in shacabka iyo waxgaradka oo wadatashaday kadib kusoo wargeliyeen in uu meeshiisa sii joogo, islamarkaana aanay waxbo ka jirin xilkan laga qaaday.

Wuxuu tilmaamay guddoomiye Cartan in xilkan uu hayey tan iyo sanadkii 2015, isagoo sheegay inuu ka shaqeeyey arrimo u badan dib u heshiisiinta.

“Sidaad la socotaan Galmudug waayahan dambe waxaa isaga badnaa khilaafaadka iyo waxyaabaha siyaasadeed ee soo noqnoqonaya, xil ka qaadisteydii baraha bulshada baan ku arkay, waxaa dhacday in arrintaasi noqoto mid ugub ku ah gobolka Mudug, waxaan tan iyo 2015-kii kasoo shaqeynayey gobolka, shacabka iyo Odoyaasha dhaqanka ayaa wadatashi ay u fariisteen waxay sheegeen in arrintan aan midnaba la qaadan karin iyo arrintan oo ku timid wax aan la garan, iyadoo xilligan lagu jiro uu madaxweyne Xaaf ku jiro xaalad siyaasadeed oo adag” ayuu yiri Cartan.

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa habeen ka hor wareegto uu soo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulkiisa.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this