Prinz Posted July 26, 2008 Kuwait 26/July/2008 Waagacusub.com: Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Xasan Diiriye Faarax ayaa ku geeriyooday dalka Kuwait sida uu Saxaafadda u xaqiijiyay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Saleebaan Xasan Diiriye. “ Allaha u naxariisto Aabe Xasan Diiriye wuu geeriyooday,wuxuuna u geeriyooday xanuun uu mudo la liitay oo lagu daweynayay dalkaan Kuwait”ayuu yiri Saleebaan Xasan Diiriye. Raxmo Xasan Diiriye ayaa hore Website Waagacusub.net ee arrimaha bulshada ka faalooda ugu warantay in Aabaheed uu ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo xustay inay jiifka iyo sariirta ka bixinayeen Abwaan Hadrwaawi iyo Cabdi Qeyska halka uu sedex boqol dollar dibada uga diray Boqorka Codka Maxamed Suleybaan Tubeec. Marxuum Xasan Diiriye oo ka mida Fanaaniinta waaweyn ee Waaberi wuxuu ku dhashay Magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug,waxaana lagu xasuustaa heeso Jaceyl iyo Wadani isugu jira sida Fiidmeerta duushaay Fariinteeyda qaad, Waad Mala haboowday,Dhalanteed,Timir lafbaa ku jirta iyo heeso kale oo badan. Sanadkaan gudahiisa waxaa geeriyooday Fanaaniin,Abwaaniin,laxamiistayaal,muusikiistayaal laga xusi karo Abwaan Cabdalla Nuuradiin Axmed,Fanaan Mulaxamiiste Axmed Nuur Jaangoow,Abwaan Xasan Sheekh Muumin. Heesaha lagu xasuusto halkan ka dhagyso http://waagacusub.com/wareysiyo/HassanDiiriye.ram Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 26, 2008 Allah ha u naxariisto ,,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
money Posted July 27, 2008 Allah ya raxmaha - ilaahayoow u naxariiso dadkiisana samir iyo iimaan ka sii... he was a legend walaahi... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted July 27, 2008 Allah ha u naxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted July 27, 2008 My day is spoiled. I am really sad. He was a great singer! Ilaahoow naxariistaada ka waraabi! Quote Share this post Link to post Share on other sites
sunaari Posted July 27, 2008 Illaah haw naxariisto. He was indeed great singer and had lot of patriotic songs such "Heegan aan ahadoo hogaanshow, waleey han weyn yahay horseedoow" Quote Share this post Link to post Share on other sites