Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabageed oo dalab deg deg ah usoo dirsaday DF kadib markii la amray in la xiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waxaa uu maanta ku dhawaaqay in uusan xilka wareejineyn ilaa ay dowladda Federaalka ah soo farageliso khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Dabageed,waxaana uu magacaabay Guddoomiye cusub.

Yuusuf Dabageed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in magacaabistiisii Gobolka Hiiraan ay ku timid heshiis dowladda dhexe iyo Hirshabeelle dhexmaray haddana uu xilka wareejinayo haddii ay dowladda Federaalka ah ku taliso.

Ciidamo ka amar qaata Yuusuf Dabageed ayaa saaka la wareegay qeybo ka mid ah baraha Canshuuraha ee Gobolka Hiiraan iyada oo guddoomiyaha cusub ee Gobolkana uu ku suganyahay Beledweyne.

Yuusuf ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle ku eedeeyay in uu kala qeybiyay islamarkaana jufo jufo u kala qeybiyay beesha ay labadana ka soo jeedaan.

Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Baladweyne ayuu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka  Hir-Shabeelle ku amray ciidamada,millateriga Booliska iyo Nabad-sugida ee ku sugan baladweyne inay soo xiraan,balse aan la xiriri Karin.

“Waare iyo Cali Guudlaawe xeritaankooda I qaba mayo,laakin waxaa inoo yaalla Sharciga,iyaga ayaana diidan inay keenaan Sharci lagu Shaqeeyo oo ay igu xiri karaan,waxaana ku dirireynaa sharciga iyo dastuurka Hir-Shabeelle aan ku Shaqeyno waaye ayuu yiri Yuusuf Dabageed”.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo dhamaan mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas ayuu sheegay inay dhaqaalo kasoo doonteen Magalada Baladweyne,isla markaana aysan shaacineyn waxyaabaha ay dadka Reer Hiiraan ugu qabanayaan.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa u muuqda mid uu ku diidan yahay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle,waxaana uu dalkbaday in khilaafkaan ay soo dhexgasho dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this