Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Galmudug oo beeniyey in uu khilaaf soo kala dhex galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusama-Mareeb (Caasimadda Onine) – Maamulka Galmudug ayaa war kasoo saaray warar dhowaanahaanba la isla dhexmarayay, kuwaas oo sheegayey in khilaaf uu soo kala dhex galay hoggaanka ugu sarteeya Ahlusunna Waljameeca iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxweyne Xaaf ayaa lagu yiri, “Waxba kama jiraan wararka lagu baahiyey Baraha Bulshada ee la xiriira kala aragti-duwanaan u dhexeysa Madaxda Galmudug”.

Waxaana jiray warar ay baahiyeen warbaahinada qaar kuwaas oo lagu sheegay in hoggaanka Ahlusunna iyo Madaxweyne Xaaf uu soo kala dhex khilaaf salka ku haya doorashada maamulkaas oo Madaxweyne Xaaf uu doonayo in la qabto sanadka 2020-ka halka madaxda Dowladda dhexe ay dooneyso in doorashada maamulkaas la qabto horaanta bisha Julaay ee nasoo aadan.

Dhanka kale waxaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug u diyaar garowga shir lagu wado in Todobaadka soosocda ay magaalada Dhuusamareeb ku yeeshaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo dhowaan uu isugu yeeray Madaxweyne Xaaf.

Kulan looga arinsanayo qaban qaabada shirkaas ayaa waxa uu xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Gudoomiyaha guud Culumada Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan waxaana la sheegay in kulankaas uu kusoo dhamaaday is afgarad.

Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu Isniinta u amba bixi doono  Magaalada Neyrobi ee dalka Kenya, halkaas oo kulan hor dhac ah ay ku yeelanayaa qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kadibna ay kulan koodii uu is kugu yeeray Madaxweyne Xaaf ay Todobaadka nasoo aadan is kugu tagi doonaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this