Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aano kasoo baxay Shir amiga Caasimada looga hadlayay oo Muqdisho ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Shir looga hadlayay amaanka caasimadda Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi shir guddoominayay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow.

Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya, taliyaha ciidamada Booliska, guddoomiye ku xigeenka gobolka iyo saraakiil kale, waxaana la iska wareystay xaalada amaanka caasimadda.

Waxyaabaha kulankaasi looga hadlayay oo diiradda lagu saaray waxaa kamid ahaa, Sugida Amniga, is dhex galka bulshada, deriseynta iyo horumarka Caasimadda, waxaana kasoo baxay talooyin kala duwan.

Go’aanada kasoo baxay kulankii amniga caasimada looga hadlayay ayaa waxaa kamid ah in lasii xoojiyo adkeynta amaanka caasimada, sidoo kale waxaa la isla gartay in la kordhiyo howlgalada ciidamada dowladda ka sameynayaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada in la daradargeliyo Sugida Amniga Caasimadda,xilli mararka qaar ay ka dhacaan falal amnidarro.

1-14.jpg 2-14.jpg 3-14-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this